Dad uu ku soo dumey dhisme shaqo ka socotey.

Inta la xaqiijiyay seddex qof ayaa ku geeriyooday halka lix kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kadib markii uu dumay dhisme shaqadiisu ka socotay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in birihii shubka ee lagu dhisayey guriga ay go’een si lama filaan ah, taasoo sababtay in dhismuhu dumo, iyada oo xilligaas ay gudaha guriga ku sugnaayeen shaqaale badan. Waxaa la tilmaamay in dadka dhaawacmay xaaladoodu aad u liidato, maadaama ay burburka dhismaha hoostiisa ku jireen muddo dheer, taas oo culays dheeraad ah saartay xaaladooda caafimaad.

Dhacdadan naxdinta leh waxay markale iftiiminaysaa halista weyn ee ka dhalata tayada liidata ee dhismayaasha magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin hay’ad dowladeed ama maamul heer gobol ah oo si toos ah ula socda ama u kormeera heerka badbaadada iyo tayada dhismayaasha cusub.

Arrintani ma ahan markii ugu horreysay ee noocan oo kale ah; horey waxaa magaalada uga dhacay shilal la mid ah kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh. Dad badan ayaa hadda walaac xoogan ka muujinaya heerka ammaanka dhismayaasha iyo la’aanta sharciyo adag oo lagu xakameeyo dhismaha aan tayo lahayn.

Waxaa la filayaa in maamulka degmada iyo hay’adaha gargaarka degdega ah ay baaritaan rasmi ah ku sameyn doonaan dhacdadan si loo ogaado sababaha rasmiga ah ee keenay dumista iyo in talaabooyin wax looga qabanayo loo qaado.