Dadaalkii Dhexdhaxaadinta Madaxweyne Laftagareen Oo Guuleystey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Maalmahan howlo shaqo ujooga Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa waday kulamo loogu Gogol Xaarayo soo af jarida khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Caawa ku guulaystay inuu soo afjaro khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxda oo Maanta qaatay kulan saacado socday ayaa Caawa soo saaray Warmurtiyeed ay isku Raaceen oo uqornaa sidan.

1-In sii yahay Agaasimaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka sii ahaado Yaasin Faray ilaa laga soo Magacaabo Agaasime.

2- in Bashiir Goobe loo Magacaabo Wasiiru Dowle.

3- in Wasiirka Amniga ahaado Cabdulaahi Maxamed Nuur.

4-in la dardargelinta Doorasho ku qabsoonta sida ugu dhow.

5- in laiska kaashado la dagaalanka Argigixisada Alshabaab.

Madaxda ugu Saraysa Dalka ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uga Mahadceliyey Dadaalkiisa ku aadanaa is fahanka iyo Heshiiska.