Dadkii Ka Qaxay Deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo Dib Ugu Soo Laabanaya.

Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo dhawaan la wareegeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa laga dareemayaa xaalad deggan iyo dib u soo laabasho dadkii deegaanka. Qaybo badan oo dadka deegaanka ah oo horey u qaxay ayaa hadda bilaabay inay si tartiib tartiib ah ugu soo laabtaan guryahooda, taas oo tilmaamaysa in amniga deegaannadaasi uu si tartiib ah u soo kabanayo.

Mid ka mid ah caqabadaha horyaallay dadka dib ugu soo laabanaya guryahooda ayaa ahaa burburka buundada muhiimka ah ee xiriirisa Sabiid iyo Caanoole, taas oo ay qarxiyeen kooxda Al-Shabaab markii ay ka baxayeen deegaanka. Burburka buundadaasi wuxuu si weyn u saameeyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa muujiyay go’aan adag oo ah in burburkaasi uusan caqabad ku noqon doonin soo laabashadooda.

Ciidamada dowladda Federaalka, oo weli si buuxda u jooga bartamaha magaalooyinkaasi, ayaa dadka deegaanka u xaqiijiyay in aysan marnaba ka bixi doonin deegaannada, isla markaana ay sii xoojin doonaan amniga. Tani waxay sare u qaaday kalsoonida shacabka ee ciidanka iyo guud ahaan dowladda. Waxaa sidoo kale la arkayay ciidamada oo la falgelaya bulshada, taasoo qeyb ka ah olole lagu xaqiijinayo nabadda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi Cumar, oo booqasho ku tagay furimaha dagaalka ee gobolka, ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada, wuxuuna tilmaamay in guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ay muujinayaan horumar la taaban karo. Waxa uu sidoo kale sheegay in la qorsheynayo dib-u-habeyn dhameystiran oo lagu sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha si loo dardar geliyo nolasha bulshada deegaanka.

Dib ugu soo laabashada dadka deegaanka Sabiid iyo Caanoole waxay tusaale u tahay sida ay suurtogal u tahay in nabad iyo nolol caadi ah dib loogu soo celin karo deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in la hirgeliyo adeegyo bulsho oo ay ka mid yihiin caafimaad, waxbarasho iyo biyo galin si dadka deegaanka ay si buuxda ugu laabtaan guryahooda.