Dagaal Culus oo Ka Qarxay Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

Wararka laga helayo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu markale dib uga qarxay gudaha degmadaasi, iyadoo uu dagaalku u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Iska horimaadka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha xerada Uk, oo ah halka ay saldhig ahaan u degan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka. Sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan Beled Xaawo, dagaalku waxa uu ahaa mid culus, iyadoo labada dhinacba ay adeegsanayeen hub culus iyo mid fudud, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanka.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray labada dhinac.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa cabsi iyo welwel badan oo ku saabsan suurtagalnimada inuu dagaalku sii socdo. Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay guryahooda ka qaxaan si ay uga fogaadaan khatarta dagaalka.

Waxaa la filayaa in saraakiisha amniga heer Federaal iyo kuwa Jubbaland ay goor dhow ka hadlaan xaaladda, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay aad u daneynayaan xal waara iyo in la joojiyo dhiigga daadanaya.