Dagaal Dhexmaray Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanada Caano-qubow iyo qaniyaale oo ku yaalla duleedka Balad-xaawo, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-shabaab, uuna ka dhacay dagaal xoogan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalkaas oo socday saacado dhowr ah, waxaana faah faahin ka bixiyay saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka dowladda.