Dagaal Duleedka Xuddur ku dhexmarey Ciidamada DFS iyo Alshabaab

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Fariisin Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaan u dhow degmada xudur,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo ku dhowr saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen Idaacadda Raadiyo Baydhabo in ay maqlayeen dhawaqa hubka kala duwan oo ay is weeydaar sanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Goobta lagu dagaalamay oo u dhow tuulada Abal ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaag yimid dhinaca Al-Shabaab,hayeeshee ma shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Si kastaba wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaankii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo kala duwan