Dagaal ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degaankaas iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ,waxaana dadka degaankaas ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas labada dhinac ee dagaalamay uu khasaaro kasoo gaaray,hayeeshee aan si rasmi ah loo ogaan karin maadaama xilliga uu dagaalka dhacayay ay aheyd habeen dadka badina ay jiifeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio baidoa ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay degaanka Halgan khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,isla markaana Maamulka degaanka uu dhawaan faah faahin ka bixin doonaan.

Wararka saaka laga helayo degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka degaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii hubeysnaa ee soo weeraray degaanka.