Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa degaanka Baarsanguuni oo hoostaga Magaalada Kismaayo waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ka sameysteen halka loo yaqaano Dhul baraha oo ka tirsan degaanka Baarsanguuni, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka khasaaraha ka dhashay uu yahay dhaawaca hal askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.
Degaanka Baarsanguuni iyo degaannada kale ee hoostaga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, waxaana sidoo kale Ciidamada Jubbaland dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.














