Wararka laga helayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalka oo ka dhacay duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu dhex-marey Ciidamo ilaalo ka ah Dhul la qorsheeyey in laga dhiso Garoon Diyaaradeed iyo dad sheeganaya inay dhulkaasi leeyihiin.
Goobjoogayaal ayaa raadiyo beydhabo waxaa ay u sheegeen in dagaalkaas uu ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegay in qofka dhintey in dadka dhaawacmay ay ka tirsanaayeen dadka sheegtey inay leeyihiin dhulkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaarey halka uu dagaalka ka dhacay,waxaana dad ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay sheegeen in dadkii hubeysnaa ee sheeganaya inay dhulka leeyihiin ay dib u laabteen.
Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu haatan ay tahay mid degan,hayeeshee dadka qaar ee ku nool Waqooyi Bari Magaalada Gaalkacyo ay cabsi dareemeen,iyada oo weli dagaalka aysan ka hadlin maamulka Magaalada Gaalkayco ee Puntland.














