Dagaal ka dhacay gobolka Galduud.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada Deegaanka ayaa xalay fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasoo ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali-heelle iyo Ciid-Kuus ee gobolka Galgaduud. Weerarkan oo ahaa mid si degdeg ah u dhacay ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Al-shabaab dhowaan ka sameysteen deegaanadaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, weerarka ayaa lagu guuleystay in la burburiyo saldhigyo muhiim ah oo kooxdaasi ay ku lahayd halkaasi, iyadoo la dilay ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab. Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanadii laga saaray kooxda, iyagoo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo amniga lagu adkeynayo.

Howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab, laguna sugaayo amniga guud ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha ayaa xusay in kooxda Al-shabaab ay qorsheynayeen weerarro lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo xarumaha dowladda, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan halistaas.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka, si loo xaqiijiyo xasilooni iyo nabad waarta oo ka hanaqaadda deegaannada ay wali kaga sugan yihiin kooxaha argagixisada ee gobolka Galgaduud.