Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Itoobiya oo kamid ah AMISOM & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya ku leeyihiin dhanka Bari ee buundada degmada Buurdhuubo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Buurdhuubo ee Gobolka C/raxmaan Cabdullaali Cali ayaa sheegay inay ka warhayeen xogta weerarka kaag soo wajahan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay iska difaaceen Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale Al-Shababa weeraro uga geysteen degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, hayeeshee Ciidamada Dowladda & Ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degmada Buurdhuubo ee Gobolak Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgallo ka wadaan duleedka degmadaasi buurdhuubo, iyaga oo baadi goobaya xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee degmooyinka luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo, iyada oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay iska difaaceen.