Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in tuulooyin u dhow degaanka Bariire uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Nuun Gare iyo Tawakal oo Xarumo waaweyn ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa Radio Baidoa u sheegay in howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan tuulooyinka u dhow degaanka Bariire, isla markaana ay burburiyeen Maxkamad ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaannada Nuun Gare iyo Tawakal.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli ay howlgallada halkaas ka socdaan, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saldhigyo waaweyn ku leh Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, balse ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.














