Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya igo kuwa degaanka ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Ceeljaale oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada ee degaanka Ceeljaale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo muddo saacado ah socday.

Dad ku sugan degaanka Ceeljaale ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo aad u xooganaa uu geystay khasaaro kala duwan, isla markaana uu jiro dhaawac soo gaaray dad Shacab ah.

Taliyaha Difaaca degaanka Ceeljaale ayaa sheegay inay ka hortageen weerrarka uga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceeljaale ee degmada Marka ayaa sheegaya in xaaladsa ay tahay mid degan, iyada oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen degaankaas.