Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa cirka isku shareeray, iyadoo labada dhinac ay gantaalo is weydaarsanayaan. Israa’iil ayaa sheegtay in 50 qof ay ku dhaawacmeen gantaalo ku dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Beersheba.
Iran ayaa xalay ilaa saaka ku weerartay bartilmaameedyo muhiim ah oo ay Israa’iil leedahay, waxaana ka mid ah isbitaalka Soroka ee dhaawacyada ciidamada lagu daweeyo. Israa’iil ayaa dhankeeda weerartay xarunta Nukliyeerka ee Arak oo ku taalla gudaha Iran.














