Turkiga iyo Pakistan ayaa isniintii ku heshiiyay inay kordhiyaan iskaashigooda dhanka militariga gaar ahaan dhanka tababarada iyo la dagaalanka argagixisada,Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xiriirka bulshada ee Inter Services Pakistan (ISPR), Gen. Ümit Dündar oo ka tirsan ciidamada dhulka ee Turkiga ayaa la kulmay Gen. Qamar Javed Bajwa, oo ah madaxa shaqaalaha (COAS),Rawalpindi ee dalka Pakistan.
labada sarkaal ee ugu sareysa ciidamada ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay difaaca iyo iskaashiga amniga ee labada dal.














