Dalka Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo agaasime Koofi ayaa lagu gaaray”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa, wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.