Daminta Dabkii Dhuusamareeb oo lagu Guuleystay

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay booyad Shidaal siday oo taagneyd kaalin shidaal oo ku taalla Magaaladaasi.

Dabka oo aan weli la shaacin sababta keentay ayaa burburiyay qeyb kamid ah Booyada Shidaalka siday oo taagneyd kaalinta shidaal oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Xanaano oo ku dhow Xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug.

Bulshada Magaalada Dhuusamareeb ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay uga guuleysan lahaayeen daminta dabka iyaga oo u adeegsaday daminta dabka sakeelo ciid ah iyo biyo booyado lagu keenay ,waxaana xilligaas amaanka xaqiijinayay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Wararkii uga dambeeyey e dhuusamareeb nagasoo gaaraya ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro aan badenyd oo hantiyeed uu geystay dabka,waxaana xusid mudan in Magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn xilligaan hal gaari oo dab damis ah.