Daraawal mooto bajaajle ah oo lagu Diley muqdisho

Sidda ay Idaacadda raadiyo beydhabo u xaqiijiyeen dadka degaanka Ruux watay gaari nooca raaxadda ah ayaa toogtay wiil Mooto Bajaajle ah Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan ee Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa raadidiyo beydhabo u sheegay in dilka ka hor Muran ku saabsan Seedka wadada uu dhexmaray ninka dilka geystay iyo Mooto Bajaajlaha ka dibna ruuxa gaariga raaxadda ah watay oo uu hubeysan oo degtay uuna toogtay Mootaalaha.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigayaan ruux watay gaariga raaxadda ah ee hubeysnaa ee dilka geystay.

Ruuxii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Mootalaha uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay dilal ugu geystay Muqdisho dhalinyaradda ku shaqeysta Mootooyinka oo inta badan ay ku murmuraan marintaanka Wadada.