Wafdigii uu hogagaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo uu socdaalkiisa ku wehlinayay Xildhibaan; Cabdulwahaab Ugaas Khaliif oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ee gaarey degmada Ceelbarde oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa halkaasi waxaa ya ka dhagax dhigeen iskuul waxbarasho,
Dgmada CeelBarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa laga dhagax dhigay Dugsi Sare oo muhiimad gaar ah u leh bahda Waxbarashada gaar ahaan bulshada Degmada Ceelbarde ee Gobalka Bakool.
Dugsiga Sare ee maanta aan dhagax-dhignay wuxuu leeyahay ahmiyad ka ballaaran inta muuqata, Maadaama uu u adeegi karo carruur ku kala nool Deegaano kala duwan sida Deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu yiri Wasiir Goodax Barre,,
Wasiir Goodax Barre oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri sida tan”Waxaa naga go’an in Caruurteena dhammaan ay u helaan si siman Waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah.
Degmada Ceel-berde ayaa lahayd Dugsi hoose dhexe oo kaliya, iyagoo Ardayda halkaasi kasoo baxdana ay waxbarsho sare u doonan jireen Degmada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool iyo meelo kale, waxanay Bulshada halkaasi ku dhaqan aad u bogaadiyeen Dhagax-dhigga Iskuulka cusub ee laga hirgelinayo Ceel-barde.

























