Degmada Waajid Oo markii ugu horreeyey Xariga laga jaray Dugsi Sare(Sawiro)

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid Ee Gobalka Bakool Mohamed Macalin Yuusuf Ayaa Xariga ka Jarey Dugsiga Sare Ee Degmada Waajid ilaa Sadax iskuul ayaa Loo Kordhiyay Dugsiga Sare.

Munaasabada Kooban oo lagu daahfuray ayaa lagu qabtay xaruunta degmada waajid Waxaan ka soo qaybgalay gudoomiyaha Waxbarashada Degmada ,Maamulka,Ardayda,waalidiinta Waxaana intaba ay xuseen Hananka Waxbarashada horusocod lagu sameeyay .

Degmada Waajid Ayaa markii ugu horaysay yeelanaysa dugsi sare Waxayna Tahay Tilaabo hormar leh oo uu soo kordhiyay Maamulka cusub ee Dhawaan Degmada Waajid u magacaabay Madaxwayne Abdicasiis laftagreen.