Degmada Xuddur Dayactirka Garonka Diyaaradaha Oo iska kaashanaya Maamulka KG iyo Bulashada(Sawiro)

Kulan looga hadlayey dhismaha iyo dardar Gelinta howlaha garoonka diyaaradaha ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayuu Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Dowlad Goboleedka konfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley)oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Gudiga howlaha guud iyo Dib udhiska iyo gaadiidka Barlamanka Konfur galbeed waxa ay maanta la qaateen Maamulka Gobolka Bakool, Kan degmada Xudur iyo Mudanayasha Golaha Deegaanka,

Wasiir Eeley ayaa sheegey in garoonka Diyaaradaha ee Xudur muhiimad gaar ah uu u leeyahay Dowlad goboleedka Konfur Galbeed iyo Soomaaliya inteeda kale loona baahan yahay in laiska kaashado dhismihiisa Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee ay usoo Gaareen Xudurna ay kamid tahay,

Waxaa uu intaa ku daray in dhismaha Garoonka lagu fulinayo si isxilqaan ah ayna iska kaashan doonaan dhismihiisa Dowlad goboleedka Konfur Galbeed iyo Bulshadeeda.