Deni oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Muuse u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Gobolka Sool ee madaxweyne Deni, taliyaha u magacaabay waxa xukuma Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime Ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.