Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay Shirkii Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goholeedyada ayaa sheegay in dadaal badan oo la sameeyay iyo wada-hadal uu meesha ka baxay khilaafkii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in maamul Goboleedyada iyo Dowladda loo kala waramayay hayeeshee taasi ay dhamaaday, waxaana hadalkiisa intaasi ku daray in la joogo xilligii Midnimada,isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo muujiyay dulqaad iyo odaynimo.
Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu ka dambeeyay tan iyo marki Madaxweyne Deni loo doortay hoggaamiyaha Puntland uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka.














