Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo looga golleeyahay horumarinta warbaahinta, dhaqanka, iyo dalxiiska dalka. Heshiiskan iskaashi waxaa dhinaca Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, halka Jaamacadda Muqdisho uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.
Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo guddiyo matalayay labada dhinac oo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta iyo hirgelinta heshiiskan is-afgarad. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda iskaashigan cusub iyo sida uu u taageeri doono horumarinta adeegyada warfaafinta, dhaqanka, iyo dalxiiska, kuwaas oo ah tiirarka muhiimka u ah kor u qaadista dhaqaalaha iyo kobcinta aqoonta bulshada.
Ujeeddada guud ee iskaashigan ayaa ah in la xoojiyo cilmi-wadaagga, tababarrada xirfadeed, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta warbaahinta, suugaanta dhaqanka, iyo kobcinta dalxiiska dalka. Waxa kale oo la qorsheynayaa in iskaashigan lagu taageero himilooyinka horumarineed ee dowladda, iyadoo la doonayo in la sare u qaado tayada warbaahinta Soomaaliyeed iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska, kuwaas oo ah ilaha muhiimka u ah horumarka dalka.
Iskaashigan ayaa sidoo kale la filayaa inuu fursad u abuuro ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku hawlan warfaafinta iyo dhaqanka, iyagoo helaya tababaro iyo aqoon kororsi joogto ah. Waxaa la rajeynayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya casri ah oo leh warbaahin hufan, dhaqan hodan ah, iyo dalxiis soo jiidasho leh.














