Muqdisho – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar, ayaa maanta dardaaran adag u jeediyay ciidamada ka tirsan Kumaandooska Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sugan degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Afhayeenka ayaa si gaar ah ula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gor-Gor, isagoo ka dalbaday in ay qaadaan guluf dagaal oo xooggan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sheekh Abuukar ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda uu yahay waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka, dalka laga sifeyn lahaa kooxda Al-Shabaab, lagana ciribtiri lahaa meelaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan.
Dagaallo iyo howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa hadda si xowli ah uga socda deegaano ka tirsan maamulka Hirshabelle, iyadoo ciidamada xoogga dalka ay ku jiraan howlgallo joogto ah oo lagu dardar gelinayo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.














