DF oo hubka ka manuucdey magaalo ku taala gobolka Gedo.

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa maanta ka soo baxay amar culus oo ku saabsan amniga gudaha magaalada, kaas oo lagu mamnuucay in hub lagu dhex wato gudaha magaalada, gaar ahaan ciidamo aan ka tirsanayn kuwa rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid iyadoo xaaladda gobolka Gedo ay tahay mid kacsan, isla markaana dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka waddo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo lagu adkaynayo amniga iyo maamulka gobolka.

Taliyaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee gobolka Gedo, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, ayaa si cad u sheegay in gebi ahaanba la mamnuucay in rasaas lagu rido gudaha magaalada iyadoo aan amar rasmi ah jirin. Waxa uu ku adkeeyay in arrintan ay halis weyn ku tahay shacabka maadaama ay keeni karto dhimasho, dhaawac iyo qalqal amni oo ballaaran. Taliyuhu wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo jebisa amarkan, isagoo caddeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo kalsoonida shacabka ku qabo ciidanka qaranka.

Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa sidoo kale ku booriyay ciidamada in ay muujiyaan anshax, isla markaana ay ku dhaqmaan sharciga iyo hab-dhaqanka ciidannimo, isagoo carabka ku dhuftay in fal kasta oo ka baxsan nidaamka ay wiiqi karto sumcadda iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, magaalada Garbahaarey ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wafdigan hoggaaminaya Guddoomiyaha dowladda u qaabilsan gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir. Socdaalka wafdigan ayaa lagu sheegay inuu la xiriirayo arrimo amni iyo maamul, taas oo muujinaysa dadaalka dowladda dhexe ay ku doonayso in ay xoojiso gacanteeda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Gedo.

Xaaladda Garbahaarey ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo shacabka magaalada ay si dhow isha ugu hayaan tallaabooyinka dowladda iyo jawaabta ay ka bixiso cid kasta oo isku dayda jebinta amarkan cusub ee lagu mamnuucay hubka sharci darrada ah.