Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaranka, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku faahfaahiyay ujeeddada iyo diyaar-garowga shirka Wadatashiga Qaranka ee uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiir Xasan Macallin ayaa si cad u muujiyay muhiimadda uu shirkan u leeyahay mustaqbalka siyaasadeed iyo dastuuriga ee dalka, isagoo sheegay in uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu eegi karo aayaha siyaasadda Soomaaliya, laguna abuuri karo hannaan wadareed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 1-dii Juun 2025 si rasmi ah ugu dhawaaqay gogosha Wadatashiga Qaranka, isagoo ku baaqay in si wadajir ah looga qeyb galo wada-hadalka masiiriga ah ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025, iyadoo la filayo inuu noqdo mid la iskula meel dhigo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, lana xoojiyo nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.
Shirka ayaa loo arkaa mid xasaasi ah oo go’aan ka noqon doona qodobo muhiim ah sida: qabsoomidda doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyo hagaajinta hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.














