Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarrada argagixisada ee ka dhacayay gobolka Banaadir iyo gobollada labada Shabeelle.
Cabaas Hool ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ay hore u fuliyeen Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Dhaawacyadaas ayaa sababay xaalad caafimaad oo sii xumaatay, taasoo ugu dambeyntii sababtay dhimashadiisa.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, ayaa sheegay in Cabaas Hool uu ahaa xubin firfircoon oo Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2007, isla markaana si toos ah uga qayb qaatay weerarro naxariis darro ah oo lagu qaaday shacabka ku dhaqan Muqdisho.
“Waxaa uu ahaa bartilmaameed amni oo muhiim ah, isagoo muddo dheer ku jiray liiska madow ee hay’adaha amniga iyo ciidanka qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale xaqiijisay in cid kasta oo ku lug leh falalka gumaadka shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka baxsan doonin cadaaladda iyo ciidamada qaranka, iyadoo muujisay sida go’aanka adag ee dowladda uga go’an yahay la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta.














