Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo kalluumeysiga Soomaaliya, si loo kobciyo dhaqaalaha kheyraadka badda, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar waara.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
-
Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha kalluumeysiga.
-
Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka ee gudaha dalka.
-
Tayeynta kalluunka si uu u buuxiyo shuruudaha suuqyada caalamiga ah.
-
Dhisidda warshado kalluumeysi si loo kordhiyo wax-soo-saarka la dhoofiyo iyo shaqo-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.
-
Hagaajinta nidaamka la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Heshiiskan waxaa magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Mudane Ahmed Hassan Aden, halka shirkadda OYAK uu u saxiixay Mudane Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi.
Wasiirka Kalluumeysiga ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid xoojinaya iskaashiga dhaqaale ee labada dal, ayna filayaan inuu si weyn uga qeyb qaato kobaca dakhliga badda iyo abuurista fursado shaqo oo badan oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.
Heshiiskan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaaraya in Soomaaliya ay noqoto hormuud kaalin muuqata ku leh kalluumeysiga Geeska Afrika, iyadoo si istiraatiiji ah u maareyneysa khayraadkeeda badda.














