DFS Oo Amar Culus Kusoo Rogtay Dadka Ku Safra Baasaboorka Kenyaanka

Dowladda Soomaaliya ayaa amar kusoo rogtay dadka ku safra Baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya in ay soo galaan gudaha Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jindiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay dadka ku safra Baasaboorka Kenyaanka ah in ay soo qaataan dal ku galka, ayagoo kasoo qaadanaya Safaaradaha Soomaaliya.

Waxaana Dowladdu ay arrintaan u sababeysay arrimo amni iyo Caabuqa Covid19, iyadoo Wargelintaan aysan saameyn doonin muwaadiniinta Kenyaanka ah ee heysta Degenaashiyaha.