Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabay burburin ballaaran Xaafadda Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmahan ay ka jirtay xiisad xooggan oo u dhexeysay ciidamada dowladda iyo ciidan uu hoggaaminayo Xildhibaan Yaasiin Farey.
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Siinaay ayaa sheegay in shacabka deegaanka loo oggolaaday in ay alaabtooda kala baxaan guryahooda ka hor inta aan la bilaabin burburinta, waxaana la arkayay dad si degdeg ah u daadgureynaya hantidooda.
Hawlgalka ayaa billowday xalay abbaaro 3:00 habeenimo, iyadoo ciidamada dowladda ay xireen dhammaan waddooyinka gala xaafadda. Saaka aroortii, cagafo waaweyn ayaa gudaha xaafadda lagu arkay, taasoo caddeyn u ah in dowladda ay dhaqangelisay qorshe muddo laga baaraan degayay.
Ciidamo tiro badan ayaa lagu daadiyay waddooyinka waaweyn iyo laamiyada xaafadda, waxaana muuqata in tirada ciidamada ay aad uga badan tahay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Suuqa Siinaay.
Hawlgalkaan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo DFS ay ku xallinayso khilaafkii ka taagnaa aaggaas, hase yeeshee waxaa weli laga sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee burburinta iyo qorshaha dowladda kadib tallaabadan.














