DFS Oo Ciidankii ugu Badna Ee Tababar Dhameystey lagu wareejiyey(SAWIRO)

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay cutubyo katirsan ururka Afaraad ee ciidanka Gorgor oo ka mid ah kuwa xoogga dalka.

Munaasabadan Maanta Tababarka loogu soo xirayey Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga XFS,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Saraakiisha dhinaca Tababarada Ee Turkiga,iyo Marti Sharaf kale,

Dowladda Turkiga ayaa tababartay ciidankan oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen, Alifle iyo Dabley, waana ciidankii ugu badnaa oo halmar la tababaro oo Dowladda uu ku wareejiyo Turkiga.