Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Saaxibtinimo Waarta ee Soomaaliya iyo Turkiya, taasi oo ku beegan 18-08-2011 Markii uu dalka Soomaaliya yimid Ra’iisul Wasaarihii Dalka Turkiya hadana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.
Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen Madax kala gedisan oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu sareeyay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Danjireyaal, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Turkiya iyo Marti Sharaf kale ayaa aheyd mid loogu Mahadcelinayay Dowladda walaalaha aynu nahay ee Turkiya, isla markaana lagu xasuusanayay waqtigii adkeyd oo uu Madaxweyne Erdogan yimid dalka Soomaaliya.
“Turkiya waxa ayna dareensiiyeen dareen dhab ah oo walaaltinimo oo aan marnaba la ilaawi karin, waxa ay aduunka tuseen in Soomaaliya la gar-gaari karo, lana maalgeshan karo, mana jirto Matal lala meel dhigi karo Dowladda Turkiya” Ayuu yiri Mudane Cumar Filish.
Duqa Muqdisho ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Turkiya gacanta ay ka geysteen dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho, Wax ka qabashada Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Maalgeshiga iyo Shaqo Abuurka, Asigoona xusay in quluubta Soomaaliya aysan ilaawi doonin Wax-qabadkaasi Muuqda oo ay Dowladda Turkiya ka hirgeliyeen Caasimada Muqdisho.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).
Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.
Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay 19 Augost 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.
Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.
Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hay’adda beeraha QM ee FAO.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.
Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.
Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.
Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.
Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo mas’uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar la’aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.
Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan mas’uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.














