Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16aad Kumandooska Danab & Ciidanka Nabadasugida, Darawiishta Maamulka jubbaland ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaano u dhow Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga fuliyeen degaanada Gabdhoole, Beerxani oo qiyaasti 40 km ujira magaalada Kismaayo, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab weeraro ka fuliyaan.
Saraakiil katirsan Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay Ciidamada ku qabteen gaari nooca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa ay Al-Shabaab ku rareen, sidoo kalena ay toogteen wadihii gaariga.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay Ciidamada dileen laba xubnood oo katirsan Al-Shabaab una qaabilsanaa qaraxyada dhulka lagu aaso iyagoo soo saaray sadax miino oo ay dhulka ku Aaseen.
Al-Shabaab ayaa habeenadii qaad waxaa ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyigiin duleeeka Magaalada Kismaayo, halka Ciidamada dhankooda ay fuliyaan howlgallo joogto ah.














