DFS Oo Sheegtay In Lagu Guuleystay Diyaarinta Sharciga La Dagaalanka Musuqa

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Xasan Xuseen Xaaji ,ayaa manta ka warbixiyay qodobo la xiriiray sida ay lagama maarmaanka u tahay dowlad wanaagga iyo toosinta maamulka hey’adha xukuumaddda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka oo manta ka hadlay kulanya todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Lagu guuleystay diyaarnta sharciga la dagaalanka musuqa iyo dhismaha guddi madax bannaan oo u howlgala ilaalinta hantida umadda.