DFS oo sheegtay inay Al-Shabaab kala wareegtay Beer Xashiis ah

Ciidmada dawlada Soomliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Danab ayaa waxa ay howlgal ka sameyen degmada Kuntawaarey, ee gobolka Shabeellada Hoose taas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa wax ay sheegeen in hawlgalkaasi, ay kula soo wareegeen beer weyn oo ay Al-Shabaab ku beereen maandooriyaha Xasiishka, isla markaasina ay ka ganacsan jireen,sida lagu sheegay qoraal ay dawlada Soomaaliya kaga hadleysay hawlgalkaasi

Degmada Kuntuwaarey ayaa waxaa dhawaan la soo wareegay ciidamada dawlada Soomaaliya, kadib dagaal ay la galeen Al-Shabaab oo maamulayay degmadaasi.

Degmadan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka mid ahayd, meelaha ay Al-Shabaab ku xoogganaayeen maamulkeeda .