Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa kasoo horjeesatay, isla markaana ka carootay Warbixin kasoo baxday Guddiga qiimeyn madax bannaan ku sameeynayay xaalada dalka, kaas oo ka tirsan Midowga Afrika.
Warbixintaan oo aad u dheera ayaa Bishii May ee la soo dhaafay waxaa loo gudbiyay Madaxda Midowga Afrika, waxaana looga hadlay arrmaha siyaasadda & Amniga, iyad aoo ay kujirtay in Afartii sano ee uu dalka Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu galay khalalaase Siyaasadeed.
Sidoo kale Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda aysan xilligan diyaar u aheyn inay Ciidamada AMISOM kala wareegaan Amniga dalka, sababo la xiriira in aysan fulin heshiiskii amniga , sidoo kale Soomaaliya ay qarka u fuushay inay gasho xaalad dagaal iyo deganaansho la’an siyaasadeed.
Intaasi kadib war kooban oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya laguna faaqiday Kulan ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday Warbixinta, isla markaana ay dhawaan fah fahin doonaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda Xukuumadda Soomaaliya ay war kasoo sari doono warbixinta,isla markaana ay ku gacan seyri doonan, iyaga oo sheegaya in lagu xadgudbay qaranimada Soomaaliya.














