DFS oo Soo Bandhigtay Guul Laga Gaaray La-Dagaallanka Dhaqaalaha Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka ballaaran ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo sababay in la baaro in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageerayay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Warbixin rasmi ah oo wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda qaran ee lagu burburinayo awoodaha milatari, dhaqaale iyo maskaxeed ee ay kooxda argagixisada ah ku dhisan tahay. Baaritaanka ayaa ku lug lahaa in ka badan 3,500 akoon oo bangi, halkaas oo laga xannibay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000), taas oo loo arko guul weyn oo lagu wiiqay halbowlayaasha dhaqaale ee Khawaarijta.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu ammaaneysay dhammaan hay’adaha dowladda ee gacan ka geystay baaritaannadaasi, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay laamaha amniga, una garab taagnaa howlgallada geesinimada leh ee ay fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo saaxiibada caalamiga ah.

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta ma ahan oo kaliya mid lagu wajaho rasaas iyo ciidamo, ee waa halgan dhinacyo badan leh oo lagu jebinayo awooddooda dhaqaale, fikir iyo bulsho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda, iyadoo la carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocan ah ay si toos ah u taageerayaan dadaallada dib-u-soo-celinta nabadda iyo xasilloonida dalka.