Dhageeyso,,Baarlamanka Koonfur Galbeed oo maanta u fadhistey akhrinta 1aad ee miisaaniyad Sanadeeddka Dowlad Goboleedka KGS 2020-ka .

Gudoomiyaha golaha wakiilada koonfur galbeed soomaaliya muadne cali saciid fiqi iyo labadiisa kuxigeen ayaa maanta shir gudoominayey kulanka baarlamaanka koonfur galbeed.

waxaana kulanka soo xaadirey xildhibaano gaaraya 83 mudane.
Ajandaha kulanka waxaa uu ahaa akhrinta miisaaniyada 2020ka oo ay maanta horkeentey wasaarada maaliyada xildhibaanada baarlamaanka koonfur galbeed soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa ajandaha kulanka daahfurey gudoomiyaha golaha wakiilada koonfur galbeed mudane cali saciid fiqi.

Wasiirka wasaarada maaliyada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane axmed maxamed xuseen ayaa kahadlay marxaladihii ay soomartey diyaarinta miisaaniyada dowlad goboleedka koonfurgalbeed soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafey .

Ugu danbeeyn xildhibaanda baarlamaanka koonfur galbeed somaaliya ayaa loo qeybiyey warqadaha miisaaniyada dolwlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya 2020ka waaana ugu danbeeyn kulanka soo xirey gudoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed mudane dr cali saciid fiqi .