Guddomiye ku Xigeenka Maamaulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mdane Ibrahim Cumar Mahadalle ayaa booqday qoys Somaaliyeed oo dhibaato ka soo gaartay Qaraxii 25 Maarso ka dhacay Wadada Sayidka ee Magalada Muqdisho .
Qaraxaas 25tii maarso kadhacey wadada sayidka ayaa waxaa ku geeriyoodey Hooyo Toxobey maxamuud dhicisoow iyo wiil ay dhashay oo lagu magacaabo siid cali xasan waxaana dhaawac ka soo gaarey Aabe Xasan Gaboow iyo gabar yar uu dhalay.. .
Ibraahim Dheere ayaa qoyskaan ku kula booqdey isbitaalka jazeera oo uu kuijiro Aabaha reerka Aabe xassan gaaboow iyo gabadhiisa yare ee maa,ida ay iyadana kujirto ibitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka banaadir ayaa qoyska Ehelada ka xogwareystey xaalada Aabaha iyo gabadha yare e dhaawaca soo gaarey waxa uuna sheegey in maamulka gobolka banaadir uu garabtaayanyahay uuna kafaalo qaadayo inta kahartay Daryeelka qoyskaan.

















