Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane c/casiis xassan maxamed laftgareen ayaa kaqeyb galey tababarna usoo xirey cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka qeybta 60aad,
Munasabada tababarka loogu soo xirayey ciidamadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galey wasiiro katirsan xukuumada fds , kuwa koonfur galbeed , taliyaha ciidanka xooga Dalka ,saraakiisha laamha Amniga, iyo safiirka dowlada UK,
Taliyaha ciidanka xooga Dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage oo kahadlay goobta munaasabda kadhaceysey ayaa uhambalyeey ciidanka tababarka dhameystey isagoona sidookle wax lagu faraxo kutilmaamey inay soo baxaan ciidamo baahi uqabeen shacbka soomaaliyeed kuna Rajo weyn Difaaca Dalkooda ,
Waziiru dowlaha xafiiska ra iizul wazaaraha c/laahi xaamuud oo qeyb ka ahaa kaqeyb galiyaashii munaasabda ayaa ciidanka tababrka loo soo xirayey kula Dardaarmey inay ku dadaalaan sidii loo xureyn lahaa la,iskuna furi lahaa wadada xiriirisa beydhabo iyo Xamar,
wasiirka difaaca dalka Xassn cali maxamaed Amar danbe oo goobta kahadlayey ayaa waxa uu sheegey wazaarada gaasdhiga oo kaashaashaneyso madaxda Dalka ay wadaan dadaalo lagu tababarayo ciidamada Xooga Dalka qeybahooda kala duwan si ay uholaan Tabarbar tayo leh ,
Ugu danbeen madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya C/casis xassan maxamed laftagareen oo tababarka usoo xirayey ciidamada ayaa uga hambalyeeyey xiritaankooda, waxa uuna kula dardaarmey inay tabarka ay qaateen uga faa iideeyaan Dowladooda ,shacabkooda ,iyo inay tusaan Alshabaab tabarkaan ay qaateen isagoona umahadceliyey Dowlada UK oo dadaalka kubixisey tababarka ciidankaan ,
Dowlada UK ayaa kamid ah Dowladaha soomaaliya ka caawiya tababarada iyo tayeynta ciidamada Xooga dalka ,wallow dufcadaan ay tahay Dufcadii afaraad oo tababar kaqaadata Dugsiga tababarada Dowalada uk ay kuleedahay magaalada Beydhabo,














