Dhageeyso,,magalaada beledweyne oo lagu arkey Dad leh calaamadaha feyraska corona.

Warararka laga helayo deegaannada loo barakacay ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dad badan ay la xanuunsanayaan calaamadaha Fayraska Korona iyadoo aanay deegaanka ka jirin adeeg caafimaad oo la tacaali kara cudurka.

Dadka ayaa ka cabanaya xumad aad u daran, dhadhanka oo ka taga iyo qaarkood oo ay neeftu qabato balse nasiib darro ma haystaan meel ay iska baaraan iyo goobo karaantiil toona taasoo sii kordhisay baqdinta ah inuu xanuunku si xawli ah ku fido.

Dr Cabdiqaadir Jibaax Iidle oo kamid ah dhakhaatiirta magaalada ka hawlgasha ayaa sheegay in dadka Beledweyne uu saameyn ballaaran ku yeeshay fatahaadaha sidoo kale dad u tegay ay ku arkeen calaamadaha Cudurka COVID-19.

Waxaa uu sheegay in badi dadka ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne oo loo barakacay,isla markaana ay siiyaan talooyin Caafimaad si Cudurka uusan u faafin.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada Beledweyne iyo dadka ka barakacay.