Mashruucaan horumarinta ee stadio mogadisho Waxaa dhagax dhigay wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ,
Dhismahaan waxa uu ka kooban yahay xarunta ay ku shaqaynayaan Xiriirka ku badda cagta Soomaaliyeed, laba garoon yar yar oo ay ku tababaranayaan ciyaartooyda iyo hotelkii stadio mogasdisho
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegetey in mashruucaan uu furo unoqon doono xarumaha isboortiga iyadoo lagu dhisi doono isxilqaan,
Waxay sidoo kale sheegtey inay fursad utahay inay wasaaradaeeda bilowdey mashruuc lagu dhisayo isxilqaan ayna hirgalindoonto mashruucaan wassarada iyo xiriirka kubada catagta soomaaliyeed .
Wasiirka wasaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa dhankiisa sheegay in xukumadda ay ka go,an tahay in shacabka soomaaliyeed iyo dhalinyarada ay u soo bandhigaan wax qabadka dowladda islamarkaana ay tusinayaan inay soo laabatay sharaftii ay laheyd dowladnimada soomaaliya.
Dhagax dhigaan mashruucaan waxaa wasiirada dhalinyarada iyo warfaafinta ku wehliyay wasiirka ku xigeenka Wasaaradda howlaha guud ee dowladda soomaaliya Jamaal Xasan Cismaan, guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani saciid carab iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda
























