21-01-2020 Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada diinoor iyo guddoomiye ku xigeenka degmada diinsoor ayaa maanta Khudbadahooda ka horjeediyey xildhibaanadda golaha deegaanka ee degmada Diinsoor kuwaasi oo ku Aadan waxqabadkooda waxaana soo xaadiray 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka degmada diinsoor,
Ayadoona ay goobjoog ahayeen Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Lataliyaha Madaxweynaha dhinaca haweenka,odayaasha,dhaqanka,waxgaradka ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,
Musharaxiintan xilka gudoomiyaha Golaha Deegaanka degmada ku tartamaya ayaa kala ah Abdisalaan Haji siidow (Abdisalan diyaar) Aamino Noonow Xasan Buraale halka guddoomiye ku xigeenkana ay u tartamayeen Nuuney Cade Hassan iyo Aweys Shekh Ali Afarta musharax ayaa goobta ka jeediyey hadal u badan waxaa ay u qaban doonan hadii ay ku guuleystaan xilka guddoomiyaha.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa goobjoog ka ahaan doonto waxaana howlaha doorashada iyo hamsami u socodkaba iska leh guddiga doorashada,



































