Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Galmudug oo bilaabatey

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug waxaa ka bilaawdey dhageysiga Khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Xildhibaannada Galmudu ayaa dhageysanaya khudbadaha musharixiinta oo gaaraya ilaa 9 musharax,iyada oo la ilayo in Maalinta Berito ah la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha.

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)

2: Cabdiraxman Axmed Sabriye

3: Axmed Shire Maxamed (falagle)

4:Axmed Cabdullaahi Samater

Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweyne kuxigeennada

1: Cali Daahir Ciid

2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.