Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) ay maanta ku dhacday gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maareeyaha oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in diyaaraddan ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle, islamarkaana ay sidday sagaal (8) qof oo rakaab ah. Wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aan la hayn faahfaahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay shilkaasi, balse la filayo in hay’adaha ku shaqada leh ay si rasmi ah uga soo saaraan warbixin dheeraad ah.
Kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah ayaa si dhaqso leh uga howlgalay goobta uu shilka ka dhacay, iyagoo ku howlan daminta waxyeelada suurtagalka ah iyo ilaalinta badqabka rakaabka iyo shaqaalaha kale ee ku sugnaa garoonka. Maareeyaha ayaa sheegay in xaaladda si buuxda loo xakameeyay, islamarkaana la guda galay nadiifinta goobta iyo hubinta heerka khasaaraha ee ka dhashay shilkaasi.
Waxaa la filayaa in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay saacadaha soo socda si rasmi ah uga soo saarto warbixin dhameystiran oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee keentay shilka diyaarada, xaaladda rakaabka saarnaa, iyo heerka burburka ee diyaarada.
Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho martigelineyso duullimaadyo kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana hay’adaha amniga iyo duulista rayidka ay sheegeen in aanay jirin wax carqalad ah oo kale oo saameyn ku yeeshay hawlgalka garoonka Aadan Cadde.














