Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay soo saareen Ammaro ku socda Shacabka degmadaas,kuwaas oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Safmareeka ah ee Coronavirus.
Ammaradaan o ka kooban Saddex ayaa waxaa la faray inay ku dhaqamaan Shacabka ku nool Magaalada Cadaado,waxaana ay kala yihiin.
1: In la joojiyo qaadka ( jaadka) qofkii lagu arkaana Sharciga lala tiigsan doono.
2: In la xiro dhamaan Masaajida ku yaalla Magaalada Cadaado.
3: In la xiro maqaayadaha iyo goobaha la is isugu yimaado ee Magaalada Cadaado.
Sidoo kale Maamulka Magaalada Cadaado ayaa faray laamaha Amniga degmadaas in si deg deg ah loo hirgeliyo Amarada ku socda Shacabka oo ay soo saareen.
Gudoomiyaha degmada cadaado cabdulahi cabdiraxmaan xuseen tootoole ayaa sheegey in cudurka safmarka ee covid 19 uu kusii faafayo degmada islamarkaana larabo in laga digtoonaado holista uu leeyahay cudurka si leyskaga ilaaliyona lagu dhaqmo amarada ay soo saareen maamulka degmada.
Amaradan ka soo baxay Maamulka Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay kusoo aadayaan,kadib 24 kii saac ee lasoo dhaafay Cadaado ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 4 ruux oo looga shakisanaa in uu hayo Cudurka COVID19.














