Dhageyso Madaxweyne Laftagareen Oo Maanta Shirgudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada,

Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo ay ka soo qeybgaleen inta badan Golaha wasiirada KGS waxaa looga hadley Arimo badan oo ay kamid yihiin Amniga,Howlaha Horumarinta ah,iyo dib udhiska Goobaha Danta guud,iyo dib udhiska Xarumaha Dowlada,

Wasiirada Wasaaradaha Amniga Kalluumeysiga iyo Ganacsiga oo warbixin kooban jeediyey ayaa waxaa ay ka warbixiyeen Howlahooda waxaan ay sheegeen howlahooda in ay u socdaan sidii loogu talagalay,

Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga Gudaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa sheegey Guud ahaan Amniga in uu yahay mid wanaagsan isagoona sheegey in howlgallo kala duwan oo lagu baacsanayo Alshabaab ay ka socdaan Goobaha qaar kuwaas oo iska kaashanaya Ciidamada Dowlada kuwa Koonfur Galbeed iyo Saaxiibada Soomaaliya,

Wsiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isna waxaa uu ka hadley Arimaha Ganacsiga gaar ahaan Shirkada FOREX oo dhawaan suuqa soo gashey waxaana uu sheegey in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay wax uga ogaan laheyd howlaha ay qabato shirkaddaasi in ay uga digayaan haddii ay waddo shirkaddaasi waxyaabo wax u dhimaya shacabka,

Shirka oo inta badan ahaa kuwo looga hadlayey arimo badan ayaa waxaa intii uu socdey lagu dhaariyey Wasiiradii dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ee Wasiirada wasaarda Waxbarashada Koonfur galbeed iyo midka wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dhawaan kuwii horey u hayey Xilalkaasi laga qaadey iyagoona Goobtaasi lagu dhaariyey Wasiirada Cusub waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare Koonfur galbeed Dr Axmed Muuse,

ugu dambeyn waxaa shirka Golaha wasiirada Koonfur Galbeed waxyaabaha looga hadley ka warbixiyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Koonfur galbeed Mudane Ugaas Xasan,
CODKA DHAARINTA

CODKA WASIIRKA WARFAAFINTA