Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa maanta Xarigga ka jaray Waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee magaalada baydhabo.
Dhismaha Wadadan ayaa gaareysa 250MT (MT) waxaana iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay wadada Ganacsatada reer Baydhabo iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabada Xarig jarka ayaa boogaadiyay tayada wadada taasoo uu sheegay in loo dhisay si heersare ah.
“Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Wasaaradda gaadidka iyo duulista hawada iyo intii kale ee kala qayb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay wadooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda kamuuqata iyo, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay.” Ayuu yiri madaxweynaha
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa adkeeyey muhiimadda dhismaha wadadan oo ay ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.














