Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Balcad ayuu sheegay in aan lagala tashan xubinimada loo Magacabey,isla markaana uusan wax Shaqo ah ku laheyn sidoo kalena uusan doonan.
Waxa uu sheegay in marnaba uusan ku fikirin in uu qabto xil dowladeed,sidaas daraadeedna uu ogeysiinaayo Dowladda Federaalka,Maamulka Hir-Shabeelle iyo Beesha Caalamka in uusan kamid aheyn Guddiga madaxa banana ee Xuduudaha Hirshabelle.
Magacaabista Guddiga madaxa banana ee Xuduudaha Hirshabelle ayaa waxaa horay uga soo horjeestay Odayaasha & waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.














